Al-Shabaab oo qaraxyo la galay Kenya iyo cabsi ka taagan dalkaas

0
50

Muqdisho (Caasimada Online) – Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaciyey inay heleen xog cusub oo sheegeysa in Al-Shabaab gudaha dalkaasi ay la galeen walxaha qarxa.Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay abaabulayaan weeraro hor leh oo ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya.Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la qorsheynayo in weeraradaasi ay dhacaan midkood bilaha July ama August ee sanadkan.Laamaha amniga, gaar ahaa sirdoonka Kenya ayaa intaasi ky daray in weeraradaasi lala damacsan yahay goobaha Dalxiiska ama meelaha ay dadka ku badan yihiin ee dalkaasi.Kenya ayaa shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka taxadaraan amniga goobaha ay tagayaan.Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore soo saartay digniino ka dhan ah Al-Shabaab oo weeraro xoogan ka geysta dalkaasi.Weeraradii ugu waa weynaa ee Kenya ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah weerarkii Westgate Mall 2013-kii , weerarkii Empkatoni ee 2014-kii, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii iyo weerarkii Dusit D2 ee 2019-ka.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com  




SOURCE: Al-Shabaab oo qaraxyo la galay Kenya iyo cabsi ka taagan dalkaas

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.