Al-Shabaab oo sheegay in 23 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkii Ex Control Afgoye

0
109

Ururka Al-Shabaab oo soo saaray qoraal ay ugaga hadlayaan qasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Sabtigii aynu ka soo gudubnay Ex Control Afgoye ayaa ku sheegay tirada dhimashada 84 ruux,69 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in markii uu ururka Al-shabaab ay baareen qasaaraha ay ku ogaadeen in qasaaraha dadka rayidka ah ee qaraxan ka soo gaartay ay gaareyso 23 ruux halka inta kalana ay ka ahaayeen Turkiyiin,askar iyo shaqaale u shaqeynayay Turkiga.

Dowlada Federalka ayaa ku sheegtay in weerarkan ay ku dhinteen labo muwaadin oo Turkish ah.Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in afar Turkish ay ku dhinteen weerarkan.

Bayaankan ay soo saartay Al-Shabaab oo ku qornaa luqadaha Englishka iyo Carabiga ayaa lagu soo daabacay warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

Tirada dadka ku dhaawacmay oo Al-Shabaab ku sheegay 69 ruux ayaan la kala cadeyn waxa ay ahaayeen.
The post Al-Shabaab oo sheegay in 23 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkii Ex Control Afgoye appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Al-Shabaab oo sheegay in 23 ruux oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkii Ex Control Afgoye

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.