Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii Ex-Control Afgoye

0
81

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxii qasaaraha badan uu ka dhashay ee dhowaan ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye.

Sida ay baahiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage hadal uu jeediyay ku sheegay inay qaraxaasi la beegsadeen dad u dhashay dalka Turkiga iyo ilaaladooda.

Hase yeeshee war maanta ka soo baxay hay’ada nabadsugida ayaa lagu sheegay in weerarka qaraxa ay ka dambeysay dowlad shisheeye ah oo aan la magacaabin.

Warka ka soo baxay Hay’ada Nabad Sugidda ayaa waxaa aad u dhaleeceeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka waxana ay sheegeen in ay arrintan tahay mid lagu daboolayo qasaarihii ka dhashay qaraxii ka dhacay isgoyska Ex control Afgoye.Qaraxan ayaa ahaa kii saddexaad ee ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya waxaana ku dhintey inku dhow boqol ruux oo badankood ay ahaayeen dad rayid ah.

Hase yeeshee qaraxii ka dhacay isgoyska Zobbe oo ahaa qaraxii ugu waxyeelada badnaa ayaanay jirin illaa iyo hadda cid sheegatay.
The post Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii Ex-Control Afgoye appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii Ex-Control Afgoye

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.