Al-Shabaab oo soo bandhigay magaca qofkii isku qarxiyay Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada

0
69

jowhar Somali News Leader
Al-Shabaab ayaa baahisay magaca ninkii isku qarxiyay dhismaha xarunta Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada ee degmada Shingaani, halkaasoo Todobaadkii la soo dhaafay ay weerareen.
Ninka is qarxiyay oo da’diisa lagu sheegay 17 sano jir ahaa waxaa magaciisa rasmiga ah lagu sheegay Jimcaale Yare Shalaboow, Shabaab dhexdiisana waxaa looga yaqaanaa Sufiyaan, kaasoo ka soo jeeda Magaalada Salagle ee ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.
Wareysi uu siiyay Idaacadda ku hadasha Afka Shabaab ee Andaluus, ka hor inta uusan is qarxin ayuu ku sheegtay inuu hore uga tirsanaa Ciidanka Jabhada Shabaab ee Sh/Dhexe ka dagaalama, muddooyinkii dambena uu ka tirsanaa Guutada Is qarxinta.
Qaraxa gaadiidka uu waday ayuu la eegtay albaabka hore ee Xarunta Wasaaradda, taasoo keentay in raggii hubeysnaa ee Shabaab ay gudaha Wasaaradda u galaan, kana dhex dagaalamayay muddo saacado ah, waxaana weerarkaas ku dhintay dad ka badan 1o ruux oo uu ku jiray Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada Saqar Ibraahim.
The post Al-Shabaab oo soo bandhigay magaca qofkii isku qarxiyay Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Al-Shabaab oo soo bandhigay magaca qofkii isku qarxiyay Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.