Al-Shabaab oo uu khilaaf cusub soo dhex-galay iyo Axmed Diiriye oo ka baxsaday

0
327

Shakabadda baaridda arrimaha qarsoon ee Baaritaan ayaa ogaatay in hogaamiyaha kooxda Al-shabaab Axmad diiriye Cumar (Abu Cubeyda) uu ka goostay Al-shabaab kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhexgalay isaga iyo ku xirgeenkiisa Maxamed Cabdulle Fiidoow.

Axmed Diiriye ayaa iskaga baxay magaalada Jilib 23-dii Nofeembar 2017, isaga oo gaaray deegaan udhaxeeya Gedo iyo Jubbada dhexe halkaas oo uu ku arruursanayo maleeshiyo iyo hogaamiyeyaal la fikir ah.

Xog usoo dustay Baaritaan.com maanta ayaa tibaaxeysa in Muqtaar Rooboow Abu-Mansuur iyo Sakariye Ismaaciil oo horay uga wada tirsanaan jiray Al-shabaab aay xiriir la sameeyeen Axmed Diiriye in kasta oo aan la ogeyn natiijada wada hadal-kooda.

 

Muktaar Rooboow oo aay dowlaadu udirtay Koonfur-galbeed iyo Shariif Xasan oo soo dhowweynaya.

Axmed  Diiriye ayaa la sheegayaa in uu wata ciidamado lagu qiyaasay 400 ilaa iyo 600 oo isaga ka amar qaadanaya. Xog hoose ayaa sheekeysa in laga yaabo in aay xoog ku dhexmaraan Gobolka Gedo gaaraana Baay inkasta oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa huwantuba aay gobolka ku suganyihiin.

Sakariye Ismaaciil oo warbaahinta la hadlaya

Dhaqaalo la’aan, duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo soo batay iyo kala shaki yimid kadib markii horgooyaal Al-shabaab ka tirsan aay dowladda isku dhiibeen  ayaa kooxda Al-shabaab khilaaf ba’an soo kala dhexgaliyey.

Dhowwaan ayeey ahayd markii dagaalyahanada aan Soomaalida ahayn aay ka geddoodeen Al-shabaab iyaga oo ku eedeynaya in loo arko basaasiin aan kooxda daacad u ahayn, taas oo sababtay in qaarkood aay ku noqdaan wadamadii aay awal ka yimaadeen sida Kenya, Ethiopia, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Yemen, halka kuwo kalena aay ku biireen ISIS (Daacishta Soomaaliya) ee ku xoogan gobollada Puntland.

Marar badan ayuu khilaaf soo kala dhexgalay Al-shabaab kaas oo dhaliyey gacan-ka-hadal iyo in aay kala jabaan, Laakiin lama oga halka arrintaani aay saldhigan doonto iyada oo aay ciidamada qalabka sidda aay guluf-dagaal ka wadaan gobollada dalka qaar.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.