Al-Shabaab oo war culus kasoo saartay weerarka ay ku qaadeen Hotel SYL

0
16

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa weerar xooggan oo xoog ku gal ah ah ku qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaas oo ay daganyihiin wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War kooban oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dabley ka tirsan Al-Shabaab galeen gudaha Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii loogu talagalay isla markaasna ay hadda ciidamadeeda howlgal ka wadaan gudaha Hotel SYL.
Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo weerarkaas ayaa sheegayo in weli la maqlayo rasaas ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa weerarka soo qaaday inkastoo ciidamada Ammaanka ay sheegeen inay toogteen laba kamid dableyda Al-Shabaab.
Hotel SYL ayaa waxaa ka socotay xaflad lagu soo bandhigay Buug, waxaana lasoo sheegayaa in dad badan ay Hotel joogeen marka uu weerarka dhacayey.
Dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kasoo galeen dhanka Koontaroolka Ceel Gaabta oo laga ilaaliyo Madaxtooyada.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena soo socdo Inshaa Allah.




SOURCE: Al-Shabaab oo war culus kasoo saartay weerarka ay ku qaadeen Hotel SYL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.