Al-Shabaab oo war kasoo saartay shirka London ee shidaalka Soomaaliya

0
278

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada London, kaasi oo lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka Soomaaliya.Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa sheegay “wax walba oo kasoo baxay shirkaas waa xaaraan, mana aqbali doonno”Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Al-Shabaab, ayaa shaaca ka qaaday inaysan marnaba suurta-gali doonin in go’aannada kasoo baxa shirkaasi laga dhaqan geliyo gudaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.Waxa u sheegay in uu ugu baaqayo in shirkadaha doonaya inay soo qaataan qandaraaska shidaalka Soomaaliya ay ku waana-qaataan dilkii Paul Anthony Formosa ee dekedda Boosaaso.“Haddii aydaan ka waan toobin boobka kheyraadka Soomaaliya, waxaad ku dambeyn doontaan sidiisa oo kale” ayuu yiri Cali Dheere.Shirkan ayaa waxaa horey u cambaareeyey siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradsan xukuumadda hadda haysa talada dalka.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com   




SOURCE: Al-Shabaab oo war kasoo saartay shirka London ee shidaalka Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.