Al-Shabaab oo war xasaasi ah kasoo saartay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

0
313

Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabab  ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerar xooggan oo ka socda agagaarka madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu howlgal ballaaran ka wadaan inta u dhaxeysa Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada oo ah goob ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay baraha Intenet-ka ku daabaceen Al-Shabaab ayaa wax ay ku sheegteen masuuliyada qaraxyadaas,balse wax faah faahin ah kama sii bixin.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha murtadiinta ee kuyaal Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyad,  howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa haddii alle idmo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Laamaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale dhankooda waxa ay sheegeen in ay fashiliyeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee manta ka dhacay agagaarka Madaxtooyada.
Sabtidii lasoo dhaafay 7,July,2018 ayey aheyd markii weerar aad u xooggan lala beegsaday xarunta Ota Ota oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha ammaanka iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka weerarkaas oo sababay dhimashada saraakiil iyo shaqaale dowladeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Al-Shabaab oo war xasaasi ah kasoo saartay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.