Al-Shabaab oo weerar isugu jiro dil iyo gowrac ka geystay duleedka Muqdisho

0
283

Muqdisho (Caasimdda Online) – Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho oo dad Lagu gowracay & Alshabaab oo sheegatay
Wararka laga helayo degaanka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerar halkaasi ka dhacay lagu dilay laba qof oo midkood la gowracay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe uu dhacay weerarkaasi iyadoo maleeshiyo hubeysan ay weer ku qaadeen goob Jaayga lagu sameeyo oo ay ku dileen laba qof oo midkood ay gowraceen.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi iyadoo intaas ku dartay inay ku dishay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowladda iyo Hay’adaha amniga oo ku saabsan weerarka ka dhacay degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Al-Shabaab oo weerar isugu jiro dil iyo gowrac ka geystay duleedka Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.