Al-Shabab maaha: Kooxda Somalia ugu halista badan hadda oo la shaaciyey

0
53

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada qalabka sidda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faahfaahin ka bixiyay Kiisaskii ugu badnaa ee sanadkii lasoo dhaafay ay qabatay Maxkamadda Ciidamada.Waxaa uu sheegay in Kiisaska ugu badan ee soo gaaray Maxkamadda in ay yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in yihiin ugu halista badan Soomaaliya.Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wali ay taagan tahay halista  waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ah, uu sheegay in ay halis ku yihiin Nolosha Umadda Soomaaliyeed.Gudoomiyaha ayaa xusay in Kooxda ugu halista badan Soomaaliya hadda ay tahay Kooxda Daacish oo Sanadyadii ugu dambeeyay Soomaaliya kasoo ifbaxday.Daacish ayaa u muuqata, inay hadda halis ahaan ka sare mareyso kooxda Daacish, ayada oo kooxdan ay isku dayeyso inay is-muujiso, islamarkaana ay gacanta ku dhigto deeganao badan.Hoos ka dhageyso Shuute https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-maxakda-ciidanka-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com  




SOURCE: Al-Shabab maaha: Kooxda Somalia ugu halista badan hadda oo la shaaciyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.