Al-Shabab oo jidka u galay dad ka soo laabtay aaska ilaaladii hotel Sahafi kaga dhimatay weerarkii shalay

0
38

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas lagu furay Gaari ay la socdeen dad soo duugay Meydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxyadi lagu weeraray Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Wadada loo galay Gaari ay saarnaayeen dad la socday Aaska dad ku geeriyooday Qaraxii shalay,waxaana ka dhashay weerarkaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Ugu yaraan Laba  ruux ayaa ku geeriyooday  kuwaas oo ahaa Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la socday meydka .Labada Ruux ee dhimatay ayaa ka tirsanaa Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilkaas sheegtay Kooxda Al-Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.Meydadka la aasayey ayaa ahaa askartii Shalay Hotel Sahafi kaga dhimatay Qaraxyadii iyo is rasaaseyntii ka dhacday Hotelka, waxaana Askarta dhimatay kamid ah Taliyihii Ciidamada Hotel Sahafi Nuur Yare oo dagaal la galay Maleeshiyadii isku dayday inay gudaha u galaan Hotelka ee dhammaantood banaanka lagu toogtay.Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin dhacdadaas,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada gaariga lagu rasaaseeyay duleedka Magalada Muqdisho.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Al-Shabab oo jidka u galay dad ka soo laabtay aaska ilaaladii hotel Sahafi kaga dhimatay weerarkii shalay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.