ALEXIS SACNHEZ”WAAN KU DHIBANAHAY LA QABSIGA KOOXDA MAN UNITED.

0
218

Xidiga kasoo jeeda dalka Chile ee xagaagii ugu dambeeyayna ku biiriay kooxda Man united ayaa waxaa uu si cad u sheegay in uu aad ugu wareersan yahay la qabsiga kooxda.

Waxaa uu sheegay in uu ay ku adkaatay la qabsiga qorsheyaasha Macalin Jose Mourinho tan iyo markii uu kasoo tagay kooxdiisa hore Ee Arsenal.

alexis sacnhez oo waraysi dhanacyo badan taabanaya siiyay wargayska The Sun ayaa Waxaa hadaladiisa kamid ahaa.

“ Kulan kastaa ee aan Ciyaaray waxaa igu adkayd sida aan ula qabsan lahaa qaab ciyaareedkayga wanaagsan waxaan filayaa inaynu u baahanahay inaan horu marino  dhinac kastaa oo kooxda kamid ah si aan diirada u saarno kulumada waa wayn iyo kuwa kale ee iska caadiga ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata Sanchez ayaa waxaa uu intaa ku sii daray”Man United waa koox aad u wayn Talaabadaas Horumarinta ahna waa mid koox waliba ay samayso waxaana Qabaa in Man united ay kamid tahay kooxahaasi,sidaa daraadeed waa inaan u dhaqaaqnaa samaynteeda, waxaan isku dayi doonaa inaan ku guulaysano koobab wayn,waana midaa waxa aan isku dayi doono inaan gaaro shaqsi ahaan.

Waxaa uu kusii daray hadalkiisa’waxaan isku dayi doonaa inaan hagaajiyo Qaab Ciyaareedkayga,si aan kooxda kula guulaysto Horyaalka,waxaan qabaa in United tahay koox wayn oo heer caalami ah,sida aan qabo waa kooxda ugu wayn England, waxa ay mar waliba doonayaan in ay Guulaystaan,waana sababta aan u doortay inaan kusoo biiro.

Gaba gabada waraysigaasi ayaa waxaa xidigan uu weerar afka ah ku qaaday qaar kamid ah xidigihii ay isku kooxda kasoo wada ciyaareen.

“Waxaan ka garab ciyaari jiray Ciyaartooy badan oo aad u wanaagsan oo aan ka wada tirsanayn Barcelona,Qaar kamid ah Maysan Lahayn wax Qibrad balse waxaa ay lahaayeen Tayo Saraysa,Tayduna waa Tayo aad u saraysa,waxaan aaminsanahay in United aysan ka duwanayn Barcelona,dhanka awooda iyo dhinaca Boosaskaba,laakiin wali waxaan haysanaa fursad aan Horumar kusii samayn karno.

alexis sacnhez ayaa waxaa muuqata in uu aad u Duray qaar kamid ah xidigii ay iskala soo ciyaareen Barcelona oo uu ku tilmaamay kuwo aan Qibrad lahayn waxaase Cadayn Xidigaha uu sida tooska ah ula jeeday.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.