ALLESANDRO NESTA OO TABABARE U NOQDAY KOOX KA DHISAN TALYAANIGA.

0
158

Allesandro Nesta oo kamid ah Daafacyadii ugu Cuslaa ee soo maray kooxda Ac Milan ayaa waxaa loo magaabay Tababaraha cusub ee kooxda Purugia taa oo kamid ah kooxaha Dalka Talyaaniga ka Ciyaara.

Roberto Breda oo in mudo ah ahaa Macalinka kooxdan ayaa dhawaan xilka laga qaaday iyadoona booskaasi uu buuxinayo Allesandri Nesta oo ah Halyeey Waqti iyo Waayo Wanaagsan ku soo qaatay kooxda Milan.

Waxaa xidigan si wayn loogu xusuustaa guulo waa wayn oo uu la hiigsday kooxda AC Milan Xiliyo kala duwan.

Kooda Purugia oo ah mid ka ciyaarta heerka labaad ayaa waxaa marka ugu horaysa uu Macalin Nesta ku hogaamin doonaa laba kula oo aad u ad adag.

Waa 42 jir xirfadiisa kubada cagta ay aad u sarayso waana shaqsi laga filankaro in uu kasoo baxo shaqadaasi adag ee loo dhiibay.

Maadaama kooxda ay  ka ciyaarayso heerka labaad waxaa u sahlanaan karta xidigii hore ee kooxda Ac Milan in uu si fudud kooxd Guulo ugu Hogaamiyo.

Xidigo badan oo soo maray kooxaha waa wayn ee ka dhisan dalka talyaaniga ayaa imanka waxaa ay isku badaleen Tababareyaal Xirfadooda kubada cagta ay aad u sarayso.

Nesta mudooyinkaan si wayn ayaa loogu saadaalinyay hanashada xilkani balse ugu dambayn waxaa uu ka dhabeeyay hamigiisii ku aadaanaa in uu kooxdan yar Layliyo.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.