Alshabaab iyo Dowladda Soomaaliya oo siyaabo kala gooni gooni ah usoo bandhigay askar labada dhinac ka goostay

0
221
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay shaaciyeen in ay isku soo dhiibeen ciidan ka tirsan Al-shabaab oo wata Gaari Dagaal.
Maamulka degmada Diinsoor ayaa xaqiijiyay arintaan, waxeyna  sheegeen in ciidamada isa soo dhiibay ay ka kooban yihiin 5  Hubeysanayaal oo watay Gaari dagaal oo ah nooca soomaalida u taqaano Cabdi bilaha iyo Darawalkii Waday.
Dhanka kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay arintan , waxeyna  intaa ku dareen in ay si dhow ula socdeen saraakiisha laammaha amaanka isa soo dhiibida Raggan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo xaqiijinaya ama Diidaya Sheegashada Maamulka Koonfur Galbeed ee ku aadan in ay isku soo dhiibeen Rag ka tirsan Kooxdaasi.
Geesta Kale Alshabaab ayaa Degmada Ceel-buur ee gobolka Gal-gaduud kusoo bandhigay , askar iyo hub ay wateen oo ay ku sheegeen iney kasoo goosteen dowladda Soomaaliya , mana jiraan ilo ka madax banaan kooxda oo xaqiijinaya in askartan lasoo bandhigay ay kasoo goosteen dowladda Soomaaliya. sidoo kale ma jiro hadal kasoo baxay Dowladda oo xaqiijinaya amma beeninaya in askar ciidamada ka tirsanaa ay dhanka Shabaabka u weecdee.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.