Alshabaab oo sheegtay in 9 ruux ku dileen gudaha Kenya

0
28

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen guaha dalka Kenya sagaal ruux oo aan ahayn ciidamo balse u shaqeynayay dowlada Kenya.

Dilkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Harbuul ayaa lagu
diley sagaal ruux oo haysta diinta Masiixiga.

“9 qof saliibiyiin Kenyaan ah kana mid ahaa shaqaalaha
dowladda Kenya ayaa ku dhitay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Harbuul
oo qiyaastii 53 KM ujirta magaalada Gaarisa” ayaa lagu yiri warka kasoo
baxay Al Shabaab.

Lixdii bishan ayaa sidoo kale weerar ay ka fuliyeen gudaha
dalka Kenya ururka Al-Shabaab waxa ay ku dileen 11 ruux kuwaasoo ay kala degeen
bas.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay dowlada Kenya ee la
xiriira sheegashadan u dambeysay.




SOURCE: Alshabaab oo sheegtay in 9 ruux ku dileen gudaha Kenya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.