Amisom oo 2 qarax oo culus lagula eegtay Muqdisho

0
96

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qarax oo culus ayaa Ciidamada Midowga Afrika Amisom, waxaa lagula eegtay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada.Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay maqleen dhawaqa laba qarax oo culus, xilli Ciidamada Amisom ay maraayeen meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada.Miinooyinkaan ayaa la sheegay inay ku aasnaayeen wadada dhinaceeda, islamarkaana Ciidamada Amisom oo meesha maraayay lagu qarxiyay mid koowaad, kadibna ay xigtay tan labaad.Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay isaga oo guriga ku jira inu maqlay labada qarax, kadibna markii uu banaanka u soo baxay uu arkay gaadiidka Amisom mid ka mid ah oo qaraxyada ay waxyeeleeyeen.“Qaraxyada Ciidamada Amisom ayaa lala eegtay agagaarka Warshada baastada ayaga oo maraayo meeshaan dhawr mar ayeey wax ka dhaceen oo qarax ah oo Amisom lala eegtay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.Lama oga Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee qaraxaan lagula eegtay nawaaxiga Warshadda Baastada ee Muqdisho.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Amisom oo 2 qarax oo culus lagula eegtay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.