AMISOM oo hanjabaad soo saartay iyo jawaab laga bixin doono weerarkii Otto Otto

0
202

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qoraal uu ugu goodinaayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia.
Qoraalka taliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay jawaab waafiya ka bixin doonaan weerarka dhiiga ku daatay oo Al-Shabaab ay ku qaaden xarunta Otto Otto oo saldhig u ah Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.
Waxaa lagu sheegay in AMISOM ay qaadi doonto weerar loogu aar gudi doono shaqaalaha iyo shacabka ku naf waayay weerarka Otto Otto.
AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay kordhiyeen Argagixinta shacabka Soomaaliyeed, balse waxay tilmaamtay in shacabka aysan marnaba ku niyad jabi doonin dhacdooyinka kala duwan.
Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarunta Otto Otto inuu muujinayo in Shabaab aysan wax dan ah ka lahayn xasiloonida Somalia iyo horumarka dalalka Geeska Afrika.
Nuqul kamid ah qoraalka AMISOM ayaa ahaa “AMISOM waxay ka xun tahay falalka naxariis darada ah ee Shabaab ay geystaan, oo uu ugu dambeeyay weerarkii Otto Otto, waxaanu qaadeynaa talaabo aan kaga jawaabeyno falalka Argagixiso ee dhaca sida midkii Otto Otto, waxaan dib u xaqiijineynaa go’aanka ah inaan si adag ula shaqeyno Ciidamada Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo xagjirka.”
Geesta kale, Taliska ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada, si loo helo dal nabad ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: AMISOM oo hanjabaad soo saartay iyo jawaab laga bixin doono weerarkii Otto Otto

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.