AMISOM oo ku dhawaaqday in sanadka cusub ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

0
341

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo laga fulinayo Jubooyinka, Gedo, Baay, Shaboolooyinka, Hiiraan iyo gobollada kale ee ku teedsan Badweynta Hindiya.
Howlgalkan ayaa loogu magac daran The Concept of Operations (ConOps), kaasoo bilaabanaya bisha koowaad ee sanadka cusub 2019.
Kulamo arintan la xiriirta, ayaa ka kala dhacay magaalooyinka; Muqdisho, Kismaayo, Nairobi iyo Addis Ababa, iyadoo kulankii u danbeeyayna ay Golaha Amaanka iyo nabadgelyada Midowga Afrika ay yeesheen 30-kii bishii November ee sanadan.
Richard Omwega oo ah Afhayeenka Howlgalka Amisom ayaa xaqiijiyay howlgalkan Cusub, isagoo sheegay inuu sugayo oo kaliya ansixinta Midowga Afrika iyo Wadamada Ciidamadooda ay ka joogaan Somaliya.
Richard Omwega, ayaa tilmaamay in howlgalkan wadajir u qaadayaan Ciidamada AMisom, kuwa Federaalka iyo tiro kamid ah Ciidamada Maamul Goboleedyada, ujeedka laga leeyahay duulaankan cusub ayuu ku sheegay iney tahay sidii dowladda Somaliya Ciidamadeeda loogu wareejin lahaa qorshaha amniga dalka.
Taliye kuxigeenka Ciidanka AMISOM Charles Tai Gituai ayaa Kismaayo ka sheegay 17-kii nishan in aragtida howlgalka uu noqonayo midkii ugu muhiimsanaa ee ay ka sameeyaan dalkan sanadihii danbe, si looga saaro Shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa duulaan weyn oo ay Shabaab degmooyin uga qabsadaan qaadin tan iyo markii talada dalka uu la wareegay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Shabaabna dhow jeer weeraro ku soo qaaday saldhigyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku sugnaayeen.
The post AMISOM oo ku dhawaaqday in sanadka cusub ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: AMISOM oo ku dhawaaqday in sanadka cusub ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.