Ammaanka Garoowe Oo La Adkeeyey

0
304

Waxaa haatan hoolka doorashada soo wada gaadhay dhammaan murashaxiinta Puntland uu ku jiro madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana la filayaa inay doorashada bilaabato wax yar kadib. 
Dhanka kale, ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabey inay adkeeyaan ammaanka magaalada Garoowe, ciidamada howsha loo xilsaaray ayaa kala ah: PSF-ta , Booliiska , Daraawiishta  iyo PMPF-ta.
Goobta doorashada waxaa ku sugan xubno ka socda IGAD iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.
Korjoogayaasha  doorashada Puntland waxaa ay ka fiicantahay middii ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay Cabdicasis Lafta-gareen, taasi ma joogin beesha caalamka.
Goobjoog News




SOURCE: Ammaanka Garoowe Oo La Adkeeyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.