AMNESTY International oo sax ka dhigtay eedeyn mar kasta loo jeediyo Farmaajo

0
18

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso hoos u dhac ku yimid xunakla dilka toogashada  ah marka lo fiiriyo Sanadkii 2017.Amnesty International ayaa sheegtay inay hoos u dhacday xukunka dilka Toogashada ah ee la fuliyey Sanadkii 2018 marka loo fiiriyo Sanadkii 2017, waxaana hoos dhaca dilkaan ku yimid hoggaanka u hayo dalalka Chino, Iiraan, Sacuudiga iyo Soomaaliya oo ahaa wadamadi hoggaanka ku hayey Xukumada dilka ee Caalamka ka dhaco.Sanadkii 2017 ayaa waxaa Xukun dil ah lagu fuliyey 993 qof sida lagu sheegay Warbixinta Amnesty International, halka Sanadkii 2018 Xukun dil ah lagu fuliyey 690 qof taasoo ka dhigan in 31% ay u dhaceyn Xukunnada dilalka ee laga fuliyo Caalamka.Amnesty International ayaa xusta in wadamada ay kamid yihiin Belarus, Japan, Singapore, South Sudan iyo Mareykanka ay sare u kaceyn Xukunada dilka ah ee laga fuliyo.Dalka Shiinaha ayey Hey’adda sheegtay in Xukunnada dilka ah ay hoos u dhaceyn illaa 50% taasoo ka dhigan inay Shiinaha wax ka badal ku sameysay Sharciyada xukunnada Dilka ee dalkaas u yaalay.Sidoo kale Hey’adda ayaa Liiska Wadamada  ay Xukunnada dilalka hoo u dhaceyn kusoo dartay dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Pakistan.Warbixinta  Amnesty International, gaar ahaan qeybta Soomaaliya ee ka hadleyso inay Xukunada dilalka hoos u dhaceyn ayaa banaanka usoo bixisay hadal heyntii ku aadaneyd inuu Madaxweyne Farmaajo diiday saxiixa Xukunnada Dilalka maadaama uu heysto Dhalasho dalka Mareykanka.Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askar, xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dad shacab ah oo dil geystay Xukun dil ah illaa haddana ma jirto qof lagu fuliyey Xukun dil toogsho ah taasoo fududeysay inay soo bataan dilalka Muqdisho ay geystaan Shabaab iyo Ciidamada Dowladda maadaama aysan jirin xukun ay ka cabsanayaan.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: AMNESTY International oo sax ka dhigtay eedeyn mar kasta loo jeediyo Farmaajo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.