ANGEL DE MARIA  OO KU LAABANAYA HORYAALKA LALIGA KUNA BIIRAYA KOOX AY SI WAYN U XIFAALTAMAAN REAL.

0
373

 

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in xidigii hore ee kooxda  Real Madrid Angel De Maria haatana u ciyaara kooxda PSG ay suuro gal tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ugu soo laabto Horyaalka Laliga iyadoo uu kasoo muuqan doono Naadi ay si wayn u xifaaltamaan Los Balancos.

Sheekooyinka qaar ayaa waxaa ay qirayaan in De Maria uu ku biiri doono Kooxda Atletico Madrid  waxaana lagu waramayaa in wakiilka Xidiga uu u safray Dalka Spain si uu wada hadalado dhab ah ula furo Masuuliyiinta Atletico.

Xidigaan reer Argentina ayaa ladoonayaa in badal looga dhigo Antonie  Garezmann oo kooxda dhawaan isaga tagi doona.

Waxaa muuqata in De Maria uu si wayn u dhaliil san yahay booska joogtada ah ee uu kooxda ka haysan isagoona ka door bidaya in uu u baqoolo Atletico si uu u sii wato qaab ciyaareedkiisa wanaagsan.

Semeon horay ayuu xidigan u amaanay xirfadiisa intii uu ku sugnaa garoona Berna Bue.

Kooxda PSG Masuuliyiinteeda wali kama aysan hadlin wararkaan xanta ah ee laysla dhexmarayo.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.