ANTONIO CONTE OO QEEXAY MUSTAQBALKIISA CHALESEA MAKA TAGAYAA MISE WUU SII JOOGI DOONAA?

0
192

Dhawaanahaanba waxaa si wayn loo hadal hayay halka uu ku biyo shuban doono mustaqbalka Tababaraha kooxda Chalsea Antonio Conte oo cadaadis aad u wayn uu maamulka saaray.

Xalay kooxda Chalsea Guul taariikhi ayay ka gaartay Naadiga Man United kadib 1-0 oo ku xaqiijisay Hanashada Koobka Xiisaha badan ee F A Cup.

Conte Ciyaartaasi kadib waxaa uu si waafi ah uga hadlay mustaq balkiisa Garoonka stamford bridge isagoona Taageereyaashiisii u sheegay in uu sii joogi doono kooxda meelna uusan uga socon.

Xiriirka Conte iyo Maamulka Kooxda ayaa Xili Ciyaareedkan gaaray meel aad xun oo dhowr jeer waxaa ay dhaliileen Maamulka nidaamka uu wax ku wado isagoona ku guul daraystay in kooxda uu ku  hogaamiyo 4ta ugu saraysa horyaalka Premier Leage-ga.

Mar ayuu ku dhawaaday inta lagu gudo jiray xili ciyaareedkan in shaqada laga eryo kadib jahwareer uu dhexda ka galay hase ahaatee waa uu ka bad baaday dhibaatadaasi waxaana u bad baaday kursigiisa.

Waraysiga uu bixiyay ayaa waxaa uu ku sheegay” Maahayn wax fudud waayo Manchester United waxaa ay aad uga xooganayd Arsenal.

“Go’aankayga wali ma uusan is badalin ilaa iyo maanta oo aan ku guulaysanay Koobkan,ma jecli inaan u dhag taago soo jeedin kale, Go’aankayga waa mid cad,waxaan ixtiraamayaa Qandaraaskayga Chalsea, waxaan doonayaa inaan sii wado shaqadayda.

Conte ooo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray”waxaan Goaankaan kusoo noolaa mudo dhan laba sano Tan iyo Markii aan kusoo Guulaystay Horyaalka Premier Leage, kadib markaan ku guulaystay F A caawa waxaan xaqiijiyay Awoodayda aan ugu guulaysan karo Horyaalka England inkastoo caqabado ay jiraan, maahan wax sahlan inaad halkaan ku guulaysato.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.