Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 21aad ee Kalfadhiga 6aad

0
34

Xubnaha Aqalka Sare ayaa maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad iyada oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowlid Xuseen Guhaad iyadoo uu ajandaha kulanka ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.
Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xasan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeeddinada sentarada.
Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.
Golaha Aqalka sare aya ansixiyey iyagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.
The post Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 21aad ee Kalfadhiga 6aad appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 21aad ee Kalfadhiga 6aad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.