Aqalka Sare oo shaaciyey 12 qodob oo maamulada ay ka dalbadeen DF Somalia

0
251

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudiga Golaha Aqalka Sare ee Dhex dhexaadinta Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda  ayaa Ku dhawaaqay ay soo dhameeyeen dadaaladii lagu soo Afjaraayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah Xildhibaan ka Tirsan Aqalka sare ayaa Warbaahinta u sheegay in arintan ay ku timid Dadaal ay Sameeyeen Golaha Aqalka Sare ee Howshan Mudo ku howlanaa.Faroole ayaa ahaa Gudoomiyaha  Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen dadaallo ku aadan in Aqalka Sare uu qaato doorkiisa ku aadan dhameynta Khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyaddda.Guddiga aqalka sare ee wada-xaajoodka xal-u-raadinta khilaafka u dhaxeeya xukuumadda DFS iyo DXDF waxaa ay soo gudbiyeen 8 cabasho oo ay ka mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo la doonayo inay wax ka qabato xukuumadda federaalka ah.Cabashooyinka ay Siman Yihiin Maamul Goboleedyada:Dedejinta dhameystirka dastuurka federaalka.Ka howlgelidda dhismaha ciidama qaranka iyo sugidda amniga.Dhismaha guddiga garsoorka qaranka iyo dib u habeynta gatsoorka.Ka howlgelidda dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.Ka heshiinta qaab dooarashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha axsaabta.Xoojinta nidaamka federaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.Mideynta qorshaha qaranka sida wax qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyada oo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku habon, ka hirgelinta kabeyaasha dhaqaalaha iyo bulsho heer qaranFaragelin la’aanta doorashooyinka DXDF iyo kuwa dowladda dhexeQodobadda u gaarka ah Maamul GoboleedyadaPuntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Puntland, dhinacyada mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.Jubbaland: Taageeridda ciidamada Daraawiishta Jubbaland, tayeytooda iyo kala howlgalka Amniga Jubbaland.Koonfur Galbeed: Kala shaqeynta Amniga, gaar ahaan wadadda isku xirta Muqdisho-Baydhabo.Galmudug: La-dhisidda ciidanka maamulka Galamudug iyo xoreynta degaannada ay Al-shabaab heystaan.Guddiga waxaa ay xukuumadda federaalka ah u soo-jeediyeen fulinta qodobada kor ku xusan, oo ah 8 qodob oo guud iyo 4 midba gooni u yahay maamul, oo ah nuxurka tabashooyinkaCaasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Aqalka Sare oo shaaciyey 12 qodob oo maamulada ay ka dalbadeen DF Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.