Aqalka Sare oo si rasmi ula saftay madax goboleedyada

0
318

Wali waxaa jira khilaafka ay maamul Gobolledyadu abuureen ee kala dhexeeya dowlada dhexe oo in mudda ah soo jiitameysay.Khilaafkan ayaa hadda u muuqda mid gacanta ka sii baxaya, iyada oo loo aaneenayo SHUURUUDDA adag ee ay hoggaamiyeyasha waqtigoodu dhammaaday ka rabaan in ay ka xaqiijiyaan dowladda dhexe.Waa maxay Shuruudda?Maamul gobolleedyada ragga madaxda ah gaar ahaan afarta hadda doodad ku taagan tahay, kooda ugu waqtiga dheer waxaa muddo xilleedkiisa uga haray wax ka yar sanad, dhammaantood waxa ay ka mideysan yihiin in ay dowladda ku cadaadiyaan in ay siyaasad iyo dhaqaale ku taageerto sidii ay markale ugu soo laaban lahayeen.Taas, sida hadda muuqata dowladda dhexe kama dhaadhicin qorshahaas, waxa ay iyaduna leedahay qorsheyaal kale oo liddi ku ah damaca hoggaamiyeyaasha gobolada.Hadaba, su’aaha is weydiinta mudan ayaa ah, waxaa maxay doorka uga furan Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa dhex dhexaadinta Soomaalida?Shalay, labada ergey ee Qaramada Midoobe iyo Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Francisco Madeira waxa ay booqdeen Aqalka Sare iyaga oo sheegay in ay dhexdhexaadinta door ku yeelan doonaan!Tallaabadaas waxa ay si toos ah uga horimaaneysaa hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in daraf saddexaad dhexdhexaadin doonin ama u kala dabqaadi doonin dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah.Aqalka Sare oo si buuxda u caddeeyey in uu garab taagan yahay Maamul GobolleedyadaSida laga fahmi karay tallaabadii ay qaadeen Nicolas Haysom iyo Medeira, Aqalka sare isaga ayaa ka dambeeyey in ay labada ergey soo faragaliyaan siyaasadda Soomaalida taas oo dhabar jab ku ah kartida iyo madax bannaanida hoggaamiyeyaasha Soomaalida.Haddii ay door ku yeeshaan dhexdhexaadinta labadaas ergey, waxaa guuleystay damacii hoggaamiyeyaasha Maamulada iyada oo ay meesha ka bixi doonto guulihii muuqday ee ay Soomaaliya ka gaartay u madax bannaanida masiirkeeda.Waxaa is-weydiin mudan sababta aqalka sare u aqbalay dhex-dhexaadinta shisheeyaha, xilli dowladda federaalka sheegtay inaysan aqbali doonin. Waxaa kale oo is-weydiin mudan, maxayse dowladda ula tashan marka hore inta aan tallaabadan la qaadin?Waxaa ii muuqda in qorshaha aqalka cade yahay in dowladda waxaysan rabin loogu qasbo, kadidbna looga dhigo in ayadu diidan tahay dhex-dhexaadinta, taasi oo qorshaha ka dambeeya yahay in aqalka sare la safan yahay madax goboleedyada.W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, CanadaAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: Aqalka Sare oo si rasmi ula saftay madax goboleedyada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.