Aqalka Sare Oo Welwel Ka Muujiyey Faro-gelin Lagu Sammeeyo Doorashada Dowlad Goboleedyada

0
348

Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka JFS oo maanta yeeshay kulanka 4aad, kalfadhiga 4aad ayaa baaq ka soo saarey doorashooyinka dowlad goboleedyada gaar ahaan tan ka dhaceysa dowlad goboleedka Koonfur galbeed.
Qoraal-ka aqalka sare ayaa u qornaa:
Waxa uu maanta Kalfadhiga 4 aad kulankiisa 4 aad ee 04 Nov. 2018 ku guddoonsaday soo saarida baaq leh qodobbada soo socdo:

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu adkeynayaa in Shacabka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay xaq u leeyihiin in ay u doortaan madaxdooda si xor ah oo caddalad ah.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare wuxuu welwel ka muujinayaa isla markaana ka digayaa in lagu sameeyo faro-gelin dhammaan dooshooyinka Dowlad Goboleedyada oo ay ugu soo horreyso doorashada Koonfur Galbeed.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu ugu baaqayaa musharrixiinta madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur in ay ilaaliyaan una hoggaansamaan Dastuurka Federaalka, Dastuurka Dowlad Goboleedka, Shuruucda kale ee Dalka, ayna raacaan tilmaamaha Guddiga Dooroshooyinka Dowlad Goboleedka.
Guddiga Joogtada ah Golaha Aqalka Sare waxa uu ugu baaqayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed in la wada ilaaliyo hufnaanta dooroshooyinka Dowlad Goboleedka, midnimada iyo xasiloonida deegannadaas.

Goobjoog News




SOURCE: Aqalka Sare Oo Welwel Ka Muujiyey Faro-gelin Lagu Sammeeyo Doorashada Dowlad Goboleedyada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.