Aqalka Sare: Wafdi Xal Raadis Ah Oo U Ambabaxay Baydhabo

0
387

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ka socda golaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo loo diray koonfur galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Wafigan oo uu hoggaaminayo senator Cabdullahi  Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali, Senator Sam Sam Ibraahim Cali, Senator Axmed Macallim Cumar “ Axmed Nadiir”, Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow, Aadan Cabdi Aadan, C/fitaax Macallim Xasan, Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu’aad Xasan.
Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Waxaa maanta baaqday shirkii amniga uu horay ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Shirkan ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa inuu Muqdisho ka dhaco September 17- 18-ka, si looga arrinsado amniga iyo xaaladaha uu dalku ku jiro.
Goobjoog News




SOURCE: Aqalka Sare: Wafdi Xal Raadis Ah Oo U Ambabaxay Baydhabo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.