Aqriso: Galmudug oo shaacisay magacyada qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibanada DFS ee faragalinta ku haya maamulka

0
380

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay liiska qaar kamid ah Wasiirada, Sanatorada iyo Xildhibaanada dowlada ee faragalinta ku haya howlaha maamulka.War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay inay jirto faragelin weli ay DFS ku heyso maamulka taa oo gaartay heerkii ugu adkaa.Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in DFS ay wado burburinta Heshiiskii ay wada galeen Ahlusuna iyo Galmudug kaa oo dhaqan galay ku howlgalkiisa.Galmudug waxa ay sheegtay in DFS ay burburinta Heshiisyada u adeegsatay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan oo gaaray Cadaado kuwaa oo sii kala fogeynaaya dhinacyada Heshiiska gaaray.Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Masagawaa oo ka hadlayay war saxaafadeedka ayaa sheegay in dowladdu faragelinta ay ku heyso u adeegsaneyso dhaqaale.Wasiirka ayaa Wasiirada iyo Xildhibaanada faragalinta ku haya howlaha maamulka ku kala sheegay:Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud Axmed Qoor-qoor, Xildhibaano iyo Senator ay ka mid yihiin Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas.HOOS KA AKHRISO WARQADA KASOO BAXDAY MAAMULKA




SOURCE: Aqriso: Galmudug oo shaacisay magacyada qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibanada DFS ee faragalinta ku haya maamulka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.