AQRISO:SALAMAHA DADKA IS JACEL

0
190

KOOLKOOLI MEDIA waxaa ka goan soo gudbinta arimaha quseya jacaylka

halkan waxaan  ku falan qeeyndonaa  salaamaha ay isu diraan dadka is jecel ee ku midoobay nolosha salaamahaas oo aan u kala qaadi doono dhawr qaybood sida marka labada qof jacaylkoodu bilaw yahay marka dhex dhexaad uu yahay iyo marka uu meel fiican u marayaayo iyo weliba sida dadku isu raali geliyaan marka uu khalad yimaado waxaan u bilaabayaa sidan.

“salaan dahsoon’

waxaan kuu soo dirayaa salaan aad iyo aad u qaali ah salaantaas oo ay isu diraan laba qof oo si wanaag ku jiro isu baratay waxaad moodaa maalintii aan ku arkay ilaa maanta in isbedel weyni noloshayda ku soo siyaaday mana garan karo is bedelkaasi waxa uu yahay waayo hadii aan garanayo adiga kuma su’aaleen ee dhakhtar iga daaweeya ayaan raadsan lahaa, runtii ma sheegi karo isbedelka igu dhacay in uu adigana ku saameeyey laakiin waxaan rajeenayaa in warqadan ay wax weyn ka beesho noloshaada maadaama oo aad tahay qoftii kowaad ee aan ka fekero muddo gaadheysa dhawr maalmood “waan la yaabay aniguba waayo isma lahayn gabadh aad hal maalin is barateen ayaa qalbigaaga sidaa ugu weynaanaysa laakiin wixii rabi qoro ayaa mar walba qoran oo hortaada yaala ugu danbeyntii waxaan kaa sugyaaa jawabaa tan la mid ah hadii naftu inoo saamaxdo

KA:NAF KU JECEL OO JAWAAB KAA SUGEYSA

RAALI GELIN”

walaal waxaan kaa raali gelinayaa sida khaldan ee ay kuula hadashay saxiibadayda qaaliga ah waana ka xumay in ay kelmadaa ku tidhaahdo waayo anigu xiligaa ma joogin guriga hadii aan joogi lahaana waxaa dhici lahaa isbedel badan walaal waxaan ahayn laba qof oo walaaltinimo dheeri ah ka dhaxaysay mana ah in kelmada uu qof ku yidhi xidhiidhkeena u baabiisid waayo wax walba waxaa ka wanaagsan walaalti nimada inga dhaxaysa walaal runtii aniga dhankayga mar walba waan ku sugyaa waxaana rajeenayaa in aad dhakhso ii soo laabatid ‘

kA:QOF WANAAG KUU QIRAY

” jacayl kal dhoofay”

waxaan gacaliso kuu soo dirayaa salaan aad iyo aad u qaali ah salaantaas oo si toos ah uga timi qalbigeyga gacaliso markii aad iga soo fogaatay ilaa hada waxaan ku noolahay nolol aad cidhiidhi u ah waxaan u xiisay hadaladaadii iyo kaftankaagii waxaan u baahday aragaagii iyo isla joogeenii runtii waa hubaal in qofku xanuun dareemo marka jacaylkiisa uu ka fogaado waayo xanuunka aan dareemaayo adiguna waad ila dareemaysaa “ma ogtahay gacaliso in mar walba aan wakhtiga isku dhaafiyo kuna mashquulo sawiradaada waxaana mar walba soo mir kacaa aniga oo leh waan ku jecelahay waan ku jeclahay,gacaliso mar walba waxaan kuu rajneenayaa khayr ilaahayna waxaan ka baryayaa in aan nolosha wadaagno oo noqono nin iyo ooridiisa Amiin Amiin Amiin waxana gacaliso kaa sugaya jawaab

ka:Aragti iyo Aayaheena danbe>

‘HAMUUN AAN QABO”

waxaan walaal macaan kuu soo dirayaa salaan aad iyo aad u qaali ah salaantaas oo ay kuu soo hibeeyeen dhamaan unugyada jidhkayga oo idil waxaan filayaa in salaantan ka udgoontahay kana dhalaal badan tahay miskiga iyo dheemanta waxaan filayaa in salaantan qalbigaagu ku degi doono kuna xasli doono, waxaan filayaa in salaantani wax weyn ka bedeli doonto noloshaada keli ahaanshaha ah waxaan kaloo filayaa in salaantan aad ka dhex heli doonto qalbi furan oo adiga ku sugayaaya, intaa kadiba walaal aad ayaan u wanaagsanahay waana ku faraxsanahay barashada aan is baraney waayo laba walba waxay is bartaan maalin ha noqdeen kuwo ku faa’iida barashadooda ama ha noqdeen kuwo ku khasaara barashadoodee runtii waxaan filyaa in wax walba oo qalbigayga ku jira ilaahay solonsiiyo qalbigaaga waayo aduunyada waxaa ugu xun qof aad jeclaatay oo aan kuu ogeyn jacaylkaaga qofkuu doono ha ahaadee , waxaad ii cadeysay in aanay jirin qof aad hada xidhiidh jacayl leedihiin aniguna ku degdegi maayo kuna odhan maayo waan ku jeclahay waayo wax walba waxay ku yimaadaan si tartiib tariib ah jacaylkuna isaga ayaa mar walba wadada runta ah doonta”

ka timi Qalbi kuu Qushuucay

WAA DIYAARINTII IYO ISKU DUBA RIDKII ABWAANKA DA’DA YAR EE YAASIIN AXMED MAXAMED “YASIN LUCKY” OO MAR WALBA U HEELAN KUNA DADAALA SIDII UU JACAYLKA IYO MICNIHIISA UGU DHIGI LAHAA UGANA DHAADHICIN LAHAA DADKA SOOMAALIYEED MEEL WALBA OO AY ADUUNYADAN KAGA NOOL YIHIIN

Bisha Febraayo 14-keeda ayaa loo aqoon-saday inay tahay Maalintii Jacaylka Aduunka (Valentine’s-Day),waxaana la isku diraa Salaamo,Ubaxyo qurux-badan,iyo Hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan Lamaanayaasha is-jecel.

Hadaba maxay tahay ujeedada ka dambeysa munaasabadan iyo xafladaha lagu maamuuso maalinta galkacalka iyo xiisaha Jacaylka?
Marka ay dhagahaaga ku soo dhacaan ereygan Valentin’es waxaad markiiba dareemaysaa in magacani macno ahaan u dhadhamayo inuu ka soo jeedo asal-ahaan diinta Krishtaanka ama caadooyinkii hore ee Roomaanka,hadaba inta aan daaha ka rogin in aan fasiro micnaha Jacaylka,bal aan is-weydiino kumuu ahaa Valentines?

Qarnigii sadex iyo tobanaad, dhalashadii Nabi-Ciise kadib (Caleyhi-Salaatu-Wasalaam) waxaa jiri-jiray boqor la oran jiray Calodis oo ka talin jiray dalka Talyaaniga,ayaa wuxuu amar ku siiyay dhalinyarada inaysan guursan karin,kuwaas oo ahaa ciidan uu ku ilaashado awoodiisa.

Waqtigaas baa Ninkaan Valentinis ka horyimid awaamiirta Boqorka wuxuuna bilaabay inuu si hoose u guursado dumar fara badan,hadaba markii ay soo shaac-baxday guurkii qarsoodiga ee Valentines,waxa uu Boqorka amray in loo dhaa-dhiciyo Xabsi lana dal-dalo.

Hadaba sida lasoo wariyay Valentines waxaa ku dhacay xiligii uu xabsigi ku jiray Jaceyl xaad-dhaaf ah oo uu jeclaaday Inan dhalinyaro ah oo aad u qurux-badneyd taasoo aheyd Gabar uu dhalay Ninkii xabsiga waagaas xukumay, soona booqatay waqtigii uu ku jiray xabsiga.

Hadaba waraaq jaceyl xambaarsan oo uu ku saxiixnaa Valintines kadib markii la dal-dalay ayaa laga helay Qolkii uu ku xirnaa,taas uu halkudheg oo ga dhigay “Ka socoto Valentinkaagii” wixii maalintaas ka dambeysay si loo xuso sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la dal-dalay Valintines oo ku beegan 14-ka Bisha Febraayo 271-sano dhimashadii Nabi Ciise kadib ayaa la go,aansaday in la xuso maalintan oo kale.

Waxba yaan hadal kugu daalin akhristoow anigu ma`ahi dhakhtarkii Jaceylka laakiin Jaceylku waa shay qaali ah oo ay ku dhisan-tahay jiritaanka nolosheena,Jaceylka anagaa u baahan isaga nooma baahna.

Jacayl ereyga la dhaho af-ingiriisiga wuxuu ka kooban-yahay Afar Xaraf oo kala ah:

L:(Lack of pleasure)
O:(Ocean of sad)
V:(Valley of death)
E:(End of life)

Hadaba Akhristoow erayada kor ku xusan hadii aan Af-Soomaali u bedelno waxa uu noqonayaa micnihiisa:
(Farax la,aan)(Bada-murugada)(Dooxada-dhimashada)(Dhamaadka-nolosha),isla-markaana waad dareemi kartaa micnaha ay xambaar-san yihiin erayadan.

Dhanka Soomaaliga hadii fasiraad lagu sameeyo micnaha Jacaylka wuxuu noqonayaa sidatan:

J:(Jawhar)
A:(Amakaag)
C:(Calaacal)
A:(Anfariir)
Y:(Yaab)
L:(Luul)

Hadaba Akhristoow waad aragtaa qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay Jacaylka marba haduu yahay Jawhar iyo Luul,waad aragtaa dhibaatooyinkiisa marna hadii lagu sheegay Amakaag,Calaacal,Yaab iyo Anfariir waad dareemeysaa Muragadiisa.

Marka laga faalooda arimaha Jaceylka waxaa dhacda doodo aan xal loo helin,inta badan Dad baa waxay aamin-sanyihiin inuu Jaceylku yahay Laba qofood ama Lamaano Cishqi iyo balan isla-wadaagay.

Ruuxba Ruuxa kale noloshiisu ku qanacsan-tahay una hayo hami joogto ah,dareen xad-dhaaf ah iyo fir-fircooni joogto ah,uuna dareemo markuu Ruuxaas arko islana wadaagaan boogta xanuuneysa una baahan inay wada daweeyaan.

Culimada Jaceylka ka faalooda ayaa isku raacay in Qofka la jecel-yahay ugu qaalisan-yahay Dadka intiisa kale,taasi waxay ku tuusaysaa in Ruuxa wax jeceli uu u qaalisan-yahay naftiisa mida uu jecel-yahay,kolkuu arageeda iyo muuqeeda waayana ay ku abuurmeyso fakar xad-dhaaf ah.

Lamaanaha is-caashaqa waxay had iyo jeerba dhex dabaashaan mawjado fikir ah,maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysta xiisaha ay isu qabaan waxayna mar-walba ku jiraan dareen farxadeed iyo damaashaad joogto ah.

Faaiido iyo qasaaro ayuu leeyahay Jaceylka laakiinse waxyeelada oogu daran ee Jacaylku keeno waxaa weeye marka oogu horeyso oo aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii Jacaylka,waxaad dareemeysaa xanuuno cusub oo ku soo kordho jirkaaga.

Jirkoo ku ja-jaba,niyad-xumi,raashinka oo aad ka soontid,fakar xad-dhaaf ah,iyo is daryeel la,aan jirkaaga laga dareemo markaad sidaan isku aragtid Akhristoow waa astaamaha Jaceylka ee ha wel-welin naftaadana kheyr u sheeg.

Markaad Ruux jeclaato oo isna kuu ogeyn inaad Dunida ku nooshahay,Jacaylka noocaas ah waa midka oogu khatarsan inaad naftaada halis galisid amaba aad dhaawac isu geysatid,mana ogaaneysid goortaad ficilka sameysay sababta oo ah miirkaaga iyo maankaaga ayaa maqan.

Dhaqtar ku daaweyn karo ma jiro ilaa aad heshid Ruuxii aad jeclaatay,hadaba akhristoow hadii xaaladahan oo kale ay kula soo gudboonaato si aad naftaada u bad-baadisid waa inaad iska yareysaa fekerka badan,naftaadana mashquulisaa.

Hadii aad taqaanid Magaalada uu ku sugan-yahay Ruuxa aad caashaqday waa inaad u soo bandhigtaa dareenkaaga,kana fogoow daawashada aflaanta jacaylka,waayo Ruuxa wax jecli waa uu laab-kacaa waxaana ku saaida murugada iyo boholyowga,nolosha sidaas ah ee dareenka xun leh wuxuu Ruuxu ku jiraa in mudo ah,mana sahlana sida looga bixi karo hadii aan ilaah qofkaas dur-durka Jacaylka ka waraabin meel kale.

Jaceylku waa cudur daawadiisuna waa qofka aad caashaqday oo kula beera ubaxa Jacaylka,nasiib-daro Dhalinyaradii Soomaaliyeed Jacaylka waxay ka fahmeen qalad,waxaana loo turjuntay si aad u foolxun oo ka mamnuuc ah xaquuqda Jacaylka.

Waxayna u isticmaalaan Jacaylka hab qaldan sida iyagoo gabadha ama wiilka ku raacaya,Lacag,Qurux,Qabyaalad,iyo dano gaar ah ilaa ay sababtay in maanta dhalinyarada Soomaaliyeed ay aaminaan inuu Jacalku yahay dhalanteed iyo ruwaayad,kuwa sidaas aaminsana waa cadawka Jacaylka.

Jacaylku waa Dahab aan la iibsan karin,taasina waxaa kuu cadeynayaa (Naceyb waa la iibsan-karaa laakiin Jacayl lama gadan-karo)astaamaha lagu garto inuu ku taabtay talaalkii Jacaylka ayaa waxaa ka mid ah:

Fakar xad dhaaf ah,welwel iyo walbahaar,cuqdad,boholyoow,dhidid,riyo iyo qaroow fara-badan,cunada oo aad ka soontid,isfiilito iyo xanaaq joogto ah,hadalka oo aad dhibsatid,u hamuun qabid araga amoorahaaga,daawashada aflaanta jacaylka iyo aqrinta buugaagta jacaylka,jirkaaga oo aadan daryeelin iyo kuwa badan oo aan halkaan ku soo koobi-karin,maadaama aan hal qoraal lagu soo koobi karin arimaha caashaqa ku saabsan.
Waxaan hadalka ku soo gaba-gabeynayaa (Ha ku oran Ruux aadan Jacayl u qabin waan ku jeclahay si aad naftiisa been oogu maaweeliso.

Fiiro-gaar-ah: Maalinta jaceylka aduunka waa maalin laga karaameeyo wadamada khirishtaanka,balse dunida Muslinka lagama qadariyo,waxaan maqaaalkan u soo daabacay inaan u faaideeyo akhristayaasha si ay u fahmaan macnaha maalintan loogu yeeray (Valentenis-day) .
Waxaan hadalka ku soo gaba-gabeynayaa (Ha ku oran Ruux aadan Jacayl u qabin waan ku jeclahay si aad naftiisa been oogu maaweeliso.

Fiiro-gaar-ah: Maalinta jaceylka aduunka waa maalin laga karaameeyo wadamada khirishtaanka,balse dunida Muslinka lagama qadariyo,waxaan maqaaalkan u soo daabacay inaan u faaideeyo akhristayaasha si ay u fahmaan macnaha maalintan loogu yeeray (Valentenis-day)

waxaan gacaliso kuu soo dirayaa salaan aad iyo aad u qaali ah salaantaas oo ah dahab iyo dheeman dahsoon oo aan adiga kuugu tal galay waxaana kuu soo hibeeyey dhamaan unugyada jidhkayga oo idil iyaga oo ku leh xaqiiqdii la aanta ma shaqayn karno oo waxaad ku talaalantahay beerka iyo wadnaha sidoo kale salaantaa waxaan kuu soo raaciyey ubax aad iyo aad u qaali ah ubaxaas oo lagu beeray biyaha samsamka ubaxaas oo ah mid aad u dhalaal badan una carfaaya lagana ilaaliyey gacanta oo lagu dhawray dhul aan beraf iyo kulayl lahayn ubaxaas oo misana ah mid ka dharqaday xareed oo dacalka kula jira biyo riixdiisa iyo udgoonkiisana ruuxii nasiib u yeeshay uu yahay adiga runtii galcaliso salaantaadu maaha mid aan soo koobi karo waayo unugyada jidhkayga oo idil waxay la tahay in seef hilibka lagaga saafayo oogada korkayga oo idil aragaaga ayaa wax weyn ii ah waayo dhib biyo ah marka dhib kale loo geeyo biyo ayey noqdaan wax walbana waa gacanta oo lays qabto runtii markii aad iga soo fogaatay qalbigaygu wuxuu ii soo gudbinayey dareen ah goormaad raaxo wadaageysaan ,,,heblaayo….. runtii quruxdu maaha wax layska baadh baadho ee waa loo dhashdaa adigana waxaa quruxda ku siiyey ilaahay waana mida aad hablaha dheeray qunyar socodka edebta iyo quruxda wejigaagu waxaad xaqiieadii ilatahay jeegaanta roobka oo goor barqo ah inta ay meel doogu wadhan yahay neecaw qaboobina ka dhacayso oo markaa roobkuna ka qaaday saxanxasada riixdeedii udgooneydna sii joogto ka soo muuqatay dhanka bari oo inta ay in dhahaygu ku dhaceen ashqaraarka aragtida ilmada gabax ka siiyeen adfkuna aamus diidoo magacaaga ku dhadhabay unugyada jidhkayguna gidigood istaagoo dhawaaqaaga uun sugay dhab ahaantii gacaliso ifka adiga ayaan kaa doortay adiga ayaan kaa jeclaaday waxaand qayb ka degan tahay qalbigayga

geeraarkan macaanka badana adiga ayaan kuu tiriyey

haduu caashaq halis yahay

ama uu dad hore dilay

hindisaha kumaan darin

huga caashaqaad degi

heeryada jacaylkaa

lagu rari korkaagee..

*

xalay baan hambaabiray

oo haatuf ii yimi

hurdadaan ka salaloo

adigoo qoreyshaa lay kay horkeenee..

***

haduu caashaq halis yahay

ama uu dad hore dilay

hindisaha kumaan darin

huga caashaqaad degi

heeryada jacaylkaa

lagu rari korkaagee..

**

hami aan dhamaanoo hilaw aan alhayn

hubsiinana u dheertaan

kuu qaaday gabadhyahay

hablo kale ma eegoo

adaan kugu hadaaqaa

runtii kuu heelanoo

inagoo aroosaa hadba lay hor keenaa

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.