Arrinta xasaasiga ah ee uu CC Shakuur shaaca ka qaaday, maxaa ka run ah?

0
274

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kaga hadlayo musuq-maasuq xooggan oo ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo qaarkood xubno dowladda ka tirsan ay sheegeen.Waxaa eedeyntiisa ugu weynaa in xilkdhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo dowladda ay Muqdisho ugu yeertay lacag la siinayo, si ay ugu codeeyaan musharax ay dowladda wadato, lacagtaas oo ay bixineyso hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.“Xisaabiyaha guud ayaa wasiirka maaliyadda ku eedeysay inuu daboolayo musuq-maasuq ka dhex jira xafiiskiisa. Dowladda federaalka waxay 1.6 milyan ku bixisay in xilka laga tuuro afhayeenkii hore ee baarlamanka. NISA waxay lacag siineysaa xildhibaanada Koonfur Galbeed, si ay ugu codeeyaan musharaxa dowladda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.Waxa uu intaas ku daray “Ayadoo ay jiraan arrimahan oo idil, ayaa waxaa uu qof inoo sheegayaa in tani ay tahay sheekada aan horey loo sheegin ee horumarka Soomaaliya, wuxuuna iska dhego-tirayaa dadka walaacsan”Ilaa hadda ma jiraan caddeymo muujinaya in xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Muqdisho jooga la siiyey lacag, balse waxaa cad inay u yeertay dowladda federaalka, ayna la kulmeen xubno sare oo uu ka mid yahay afhayeenka baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay taageereyso musharax Cabdicasiis Lata-gareen, ayna ka go’an tahay in kursiga laga tuuro Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ay kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Arrinta xasaasiga ah ee uu CC Shakuur shaaca ka qaaday, maxaa ka run ah?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.