ARSEN WENGER OO BILAABAYA QARAABKIISA TABABARENIMO.

0
176

Dhawaan ayuu si rasmi ah uga tagay Arsen Wenger kooxda Arsenal oo uu laylinayay mudo 22 sano ah waxaana intii uu kooxdaasi la joogay uu Naadiga la qaatay waayo kala duwan.

Hadaba tan iyo markii uu ka tagay Arsenal Macalinka ayaa waxaa soo baxaysay in uu helayo Dalabyo kala duwan oo uga iimaanaya kooxo Dunida ka dhisan.

Kooxaha qaar  ee sida wayn u Danaynaya Wenger ayaa waxaa ay ka dhisan yihiin Horyaalka England ee Premier Leage hase ahaate gabi ahaanba dalabyadooda dhag jalaq uma siinayo.

Waxaa uu aad u doonayaa in uu afka aadiyo horyaalka Dalka Japan halkaasi oo uu mid kamid ah waayihiisa Tababarenimo kasoo bilaabay waxaana uu layliyay koox ka dhisan dalkaasi oo lagu magacaabo Nagoya Grampus Eight sanadihii 1995tii ilaa 1996dii.

Wenger waxaa uu aad u jecel yahay dhaqanka dalkaasi isagoona si wanaagsan u yaqaana luuqadooda taasi ayaa loo badinayaa in uu qorsheeyo in uu u xamaali tago Japan maadaama wax badan uu ka fahansan yahay Dadadka Deegaanada wadankaasi.

Si sharaf leh ayaa dhawaan looga sagootiyay garoona Fly Emirates ee ay ku ciyaarto kooxda Arsenal Macalinkaan isagoona xiligaasi si rasmi ah u shaaciyay in uu yahay taageere Wayn oo Kooxda Arsenal ah.

Dad badan ma daawadaan horyaalkaasi balse waxaa muuqanaysa in Dhaqaale waali ah ay bixiyaan kooxaha ka dhisan.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.