ARSEN WENGER OO HELAY DALABKII UGU HOREEYAY OO UGA YIMID KOOX EGLAND KA DHISAN.

0
213

Tan iyo markii uu ku  dhawaaqay Tababaraha Kooxda Arsenal Arsen Wenger in uu shaqada ka tagayo marka uu idlaado xili ciyaareedkan ayaa haatan waxaa uu helay Dalabkii ugu horeeyay ee rasmi ah oo uga yimid koox ka dhisan Horyaalka Premier leage.

Kooxda Everton ayaa Dalabkan soo Gudbisay waxaana uu diyaar u yahay milkiilaha kooxdan Farhad Moshiri in uu siiyo Wenger in la’eg Mushaarka uu haatan ka qaato Arsenal.

Wargayska The Sun oo si faah faahsan u qoray sheekadan ayaa waxaa uu xaqiijiyay in xiriir toos ah ay laseemeeyeen masuuliyiinta kooxda Wenger si ay ugu qanciyaan Rabitaankooda.

Tababare Sam Allar dyce ayaa lagu wadaa in uu kooxda isaga tago maadaamada uusan soo bandhigin bandhig wanaagsan iyadoona booskaasi macalinka kaliya ee u sharaxan uu yahay Arsen Wenger.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.