Arsenal Oo Go,aan Ka Gaartay Mustaqbalka Goolhaye Petr Cech Muxuu yahay Go’aankaasi?

0
264

Kooxda Arsenal ayaa go,aan gaartay Mustaqbalka Goolhayeheeda Petr Cech kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay kooxda chelsea dib ula soos saxiixan doonto goolhayaha isku qoray taariikhda Blues intii uu joogay.
Kooxda Arsenal oo uu hogaamiyo tababare Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in ay u furantahay fikrada in uu Cech dib ugu laabto kooxda chelsea.
26 jirkan ayaa ka Stamford Bridge sanadkii 2015 kadib markii uu boos joogto ah ka waayay kooxda Bleus oo markaad amaahda ka soo celisay goolhaye Thibaut Courtois.
Waxa uu ahaa goolhayaha 1-aad ee Arsenal tan ilaa markaas isaga oo kooxda u ciyaaray kulamo badan laakiin Cech ayaa tartan adag kala kulmi doona booska 1-aad ee Gunners kadib markii ay kooxdu la soo saxiixatay goolhaye Bernd Leno.
Waxa soo baxay warar sheegaya in ay kooxda chelsea doonayso in ay dib ula soo saxiixato goolhayaha xilli uu fareheeda ka sii baxayo goolhaye Courtois.

Los Blancos ayaa doonayso in ay Courtois ku badasho Keylor Navas kaas oo aan qaab ciyaareed fiican soo dhigin sanadihii ugu dambeeyay sidoo kale da, noqday haatan.
Chelsea ayaa lala xiriirinayay Goolhayaha Roma ee Alisson laakiin Liverpool ayaa ku garaacday adeegiisa isaga oo saacado kadib loo soo bandhigi doono xiddiga Liverpool ah.
Labada Magac ee ee haatan ku jira Liiska Blues ayaa ah Goolhayaha Kooxda Leicester city oo qaab fiican soo bandhigay koobkii adduunka iyo Goolhayaha Arsenal ee Petr Cech.
Sida laga soo xigtay Daily Mail Goolhayaha Arsenal ayaa ah midka ugu macquulsan ee ay kooxda chelsea heli karto hadii ay dalab Rasmi ah gudbiso adeegiisa.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Arsenal Oo Go,aan Ka Gaartay Mustaqbalka Goolhaye Petr Cech Muxuu yahay Go’aankaasi?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.