ARSENAL OO KU DHAW SAXIIXA 17 JIR KHADKA DHEXE KU WANAAGSAN.

0
122

macalinka cusub ee kooxda Arsenal Unai Emery ayaa waxaa uu bilaabay dhaqan gelinta qorshahiisa suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda waxaana uu isha si wayn ugu hayaa Xidigo hadii ay kooxda yimaadaan Isbadal wanaagsan keeni kara.

Talaabada ugu horaysa ee uu qaadayo Emery ayaa ah soo xeri gelinta Yacine Adli oo ka tirsan PSG gaar ahaan xidigan ayaa bandhig wanaagsan waxaa uu ka sameeyay Ciyaaryanahada 16-17 jirada ee kooxdaasi.

Dhawaan PSG ayaa waxaa ay heshiis cusub usoo bandhigtay xidigan Yacine Adli hase ahaatee waa uu diiday iyadoona uu jiro shaki ku aadan in Unai Emery uu ku qanciyay Da’yarkaan inuusan wax heshiis cusub ah la galin kooxda Reer Farance uuna kula midoobo Gunners Arsenal oo dhawaan loo dhiibay maamulideeda.

waa 17 jir aad ugu wanaagsan ka ciyaarista Khadka dhexe xidigaha akadeemiyada PSG waxaa uu u saftay 33 kulan isaga oo dhaliyay 13 gool waxaana lagu wadaa in heshiis ku kacaya 3 sano uu u saxiixo Arsenal.

Tababare Unai Emery ayaa aad u danaynaya in uu isbadal wanaagsan kusoo kordhiyo kooxdan Guulaha ka ooman balse waxaa hamigiisa uu ku xeran yahay sida uu uga soo kaluumaysto suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.