ASHARAF HAKIMI OO TAARIIKH WAYN KUSOO GABA GABEEYAY CHAMPIONS LEAGE.

0
108

Kooxda Real Madrid waxaa ay xalay markii 3aad xaqiijisay in ay tahay Naadiga Boqorada Yurup kadib markii si xun ay uga badisay Kooxda Liverpool oo ay isku wajaheen ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Champions Leage.

Ciyaartan oo kusoo idlaatay 3-1 ayaa waxaa muuqatay in taageereyaasha kooxda Reds aad uga xumaadeen in 12 sano kadib laga qaado koobka Champions Leage.

 

Kulankaan waxaa laga diiwaan geliyay Record-yo Cajiib ah waxaana mid kamid ah Record-yadaasi uu yahay in xidiga reer Maroco ee Asharaf Hakimi uu dhigay Taariikh lama ilaawaan ah.

Asharaf Hakimi waa xidigii labaad Taariikhda ee inta la ogsoon yahay ee Carbeed ee ku guulaysta Koobka Champions Leage.

Ninkii ugu horeeyay ee carab ah ee ku guulaysta koobkan waxaa uu ahaa Raabix Maajar oo kasoo jeeda dalka Al Jeria waana sanadkii 1987-dii isagoona kula guulaystay kooxda Bayern Munich.

Kama uusan soo muuqan Asharaf Hakimi Gudaha Garoonka waxaana uu xaadir ku ahaa Xerada ay fariistaan Xidigaha Badalka in ay ku soo galaan doonaya  balse markii kulanka uu soo gaba gaboobay ayay kaamiradaha qabteen isagoo si aan caadi ahayn u dabaal dagaya.

Kooxda Real Madrid  xalay waxa ay samaysay Taariikh aad u wayn waxaana markeedii 3aad oo xiriir ah ay ku guulaystay Koobka Tartanka Champions Leage.

Greth Bale xalay waxaa ay u ahayd Habeen Habeenada kale uga duwnaa maxaa yeelay waxaa uu tusay indhaha caalamka arin mucjiso ah oo la xiriirta Goolasha uu saxixiy.

Xidigaha iyo Taageereyaasha kooxda Liverpool ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ilmaynayay oo aan marnaba ku qanacsanayn in guud ahaanba laga qaado koobkan.

Sikastaba Jurgen Klopp ayaa waxaa uu ku fashilmay in markiisii ugu horaysay uu kooxda Reds usoo Gacan geliyo Champions Leage Xili ciyaareedka 2017-2018 ee xalay lasoo gaba gabeeyay.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.