Askar ka tirsan dowladda hoose ee Xamar oo loogu dilay Muqdisho si gaadmo ah

0
122

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley ku hubeysneyd bastoolado ayaa barqadii maanta isgoyska afarta jardiino ku dilay labo askari oo ka tirsanaa dowladda hoose ee Muqdisho.
Askartaan la dilay oo ku howlanaa qaadista canshuurta dowladda hoose ee shacabka laga qaado, waxaana la sheegay in dableyda geysatay dilka ay marka koowaad rasaas la dhaceen askari koowaad, midka kale ee la socdayna uu goobta ka cararay, waxaana isna rasaasta la dhacay kuwo kale oo ka daba cararay.
Dableyda dilka geysatay ayaa goobta ka cararay, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amaanka oo meydkii askarta goobta ka qaaday.
Askarta la dilay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado, hase ahaatee aysan aheyn kuwo digtoona.
Weeraradaan ayaa waxayna ka mid yihiiin kuwo joogto ka noqday caasimada Muqdisho, intooda badana sheegta kooxda argagixisada Al-Shabaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Askar ka tirsan dowladda hoose ee Xamar oo loogu dilay Muqdisho si gaadmo ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.