Askari u diley wiil kalluumeysato ah shan kun oo Shillin Somali magaalada Jowhar

0
20

Mid ka mid ah ciidamada booliska Hirshabelle ayaa ku diley gudaha suuqa Hantiwadaag ee magaalada Jowhar wiil  dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kalluumeysatada magaalada Jowhar.

Dad goobjoogayaal ah
ayaa sheegay in askariga dilka geystey uu lacag baad ah xilli uu  wiilka la diley keenay suuqa mallaay ama
kalluun uu ka soo jilaabtay wabiga Shabelle.

Askariga dilka geystey
ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob
ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar.

Dad ka careysan dilka
wiilkan oo wiilkan lagu sheegay Yaasiin Muxumad 
Maxaad oo 33 jir ah ayaa waxaa ay banaanbaxyo ka dhigeen wadooyinka
magaalada Jowhar iyagoo hakad muddo kooban ah ku yimid isu  socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah
magaalada Jowhar.

Wiilka
dhalinyarada  ah ee lagu dilay maanta
magaalada Jowhar ayaa la sheegay in sanadkii aynu ka soo gudubnay wiil ay
walaalo  ahaayeen oo la oran jirey
Cabdicasiis  Muxumad  Maxaad  uu ku diley mid ka mid ah ciidamada milatariga
xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

Wiilka la diley oo
magaciisa lagu sheegay Yaasiin ayaa noqonaya qofkii  labaad 
oo hal qoys ka soo jeeda oo ay ciidamada dowladu ku dilaan magaalada
Jowhar muddo labo sano gudahood ah.




SOURCE: Askari u diley wiil kalluumeysato ah shan kun oo Shillin Somali magaalada Jowhar

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.