Aubameyang & Lacazette Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Arsenal Xili Gunners Ay Emirates Stadium Ku Garaacday Cardiff City.

0
47

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku garaacday kooxda Cardiff City waxaana guushan Gunners ku hogaamiyay Aubameyang iyo Lacazette oo min hal gool dhaliyay waxayna 47 dhibcood la sii wadaagtay kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Chelsea.
Arsenal ayaa kulankan ku rafaaday qaybtii hore laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay Arsenal iska yeelatay iyaga oo fursado aad u turo badan abuuray waxayna Gunners heshay guul ay sare ugu soo qaaday hamigeeda kaalinta afraad.
Laakiin dhamaadkii ciyaarta Cardiff City ayaa gool la timid waxaana darbo qurux badan oo uu tuuray shabaqa Gunners ku gaadhay N. Mendez-Laing waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Arsenal guul ku gaadhay.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
Cardiff XI (4-1-4-1): Neil Etheridge; Lee Peltier, Bruno Ecuele Manga, Sol Bamba, Joe Bennett; Aron Gunnarsson; Callum Paterson, Harry Arter, Joe Ralls, Bobby Reid; Oumar Niasse.
Kaydka: Alex Smithies, Kenneth Zohore, Rhys Healey, Nathaniel Mendez-Laing, Junior Hoilett, Greg Cunningham, Kadeem Harris.
Arsenal XI (4-3-1-2): Bernd Leno; Stephan Lichtsteiner, Nacho Monreal, Shkodran Mustafi, Sead Kolasinac; Matteo Guendouzi, Lucas Torreira, Mohamed Elneny; Mesut Ozil; Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette.
Kaydka: Petr Cech, Eddie Nketiah, Granit Xhaka, Carl Jenkinson, Aaron Ramsey, Alex Iwobi, Konstantinos Mavropanos.
Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo dhibaatooyin dhaawac ay ragaadiyeen kooxda Unai Emery waxayna doonayeen sidii ay tubta guusha ugu soo laaban lahaayeen kadib guuldaradii FA Cupka ee Man United ka soo gaadhay laakiin Cardiff City ayaa iska caabin wayn kala hortimid Gunners.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay labada kooxood isku daaleen waxayna Gunners ku fashilantay in ay wax goolal ah la yimaadaan inkasta oo marti loogu ahaa Emirates Stadium.
Isku day kasta oo ay Arsenal samaysay ayay Cardiff City ka dhigtay wax aan suurtogalin in ay shabaqa ku gaadhaan waxaana qaybtii hore lagu  kala nastay barbaro gool la’aan ah  taas oo jamaahiirta Arsenal cadho iyo walal ku ahayd maadaama oo ay doonayeen in ay kaalinta afraad sii tiigsadaan.
Laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta, Arsenal ayaa dagaal wayn ugu jirtay sidii ay ku jabin lahayd iska caabinta Cardiff laakiin kooxda martida ahayd ee Cardiff City ayaaba halis galisay Gunners waxayna ku dhawaadeen in ay goolka furitaanka kaga hor maraan.
Unai Emery ayaa shaxdiisa isbadalo ku sameeyay wuxuuna daqiiqadii 46 aad ciyaarta soo galiyay Alex  Iwobi wuxuuna saaray Mohamed Elneny halka uu sidoo kale ciyaarta soo galiyay Jenkinson wuxuuna saaray S. Lichtsteiner.
Daqiiqadii 65 aad rekoodhe! Arsenal ayaa ugu danbayn heshay fursadii ay ku keensan lahayd goolkeeda furitaanka ee ay ku soo daashay kadib markii uu Alex Iwobi kubbad dilaa ah u bixiyay Kolasinac oo dhinaca bidix ka soo galay xerada ganaaxa Cardiff City laakiin waxaa dhulka dhigay Bamba iyada oo Mike Dean uu si sahlan rekoodhe u tilmaamay.
Daqiiqadii 66 aad  Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kubbada qaatay wuxuuna rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay u badalay goolka furitaanka kaas oo ahaa goolkiisii 15 aad ee uu xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay Premier league wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Arsenal hogaanka ku qabtay.

Daqiiqadii 68 aad Arsenal ayaa markiiba u muuqatay in ay helayso goolka labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heli kartay laakiin kubbad uu Iwobi u arkayay in uu gool ku dhalinayo ayuu ka beeniyay  Etheridge.
Daqiiqadii 76 aad Unai Emery ayaa ciyaarta ka saaray kabtanka uu kulankan u magacaabay ee Mesut Ozil wuxuuna ciyarta soo galiyay Aaron Ramsey waxayna Arsenal noqotay kooxda goolka labaad laga filan karayay.
Daqiiqadii 83 aad Lacazette ayaa Arsenal u xaqiijiyay guusha ay sida wayn ugu dagaalameen kadib markii uu kubbad ka soo qaatay  Aubameyang isla markaana uu darbo ku garaacay goolhayaha Cardiff si uu ciyaarta uga dhigo 2-0 ay uu walalkii kaga baxay Gunners.
Intaa kadib Arsenal ayaa goolal kale oo dhawr ah raacsan karta laakiin waxay luminayeen fursado sahlan laakiin Cardiff ayaa wali fursado weeraro deg deg ah ku abuuraysay goolka Gunners inkasta oo Leno uu fursado ka joojiyay.
Laakiin dhamaadkii ciyaarta Cardiff City ayaa gool la timid waxaana darbo qurux badan oo uu tuuray shabaqa Gunners ku gaadhay N. Mendez-Laing waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Arsenal guul ku gaadhay.
The post Aubameyang & Lacazette Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Arsenal Xili Gunners Ay Emirates Stadium Ku Garaacday Cardiff City. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Aubameyang & Lacazette Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Arsenal Xili Gunners Ay Emirates Stadium Ku Garaacday Cardiff City.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.