Axmed Madoobe oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey iyo Doorashada Jubbaland oo la isku raacay in….

0
199

jowhar Somali News Leader
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo ka socday Hey’adaha Qaramada Midoobay.
Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay mas’uuliyad u taala Jubbaland.
Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii Argagixisonimo ee lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Dowlada iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso.
Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin, isla markana masuuliyadeeda ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.

The post Axmed Madoobe oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey iyo Doorashada Jubbaland oo la isku raacay in…. appeared first on Jowhar.




SOURCE: Axmed Madoobe oo la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey iyo Doorashada Jubbaland oo la isku raacay in….

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.