Axmed Madoobe oo saaka ku soo wajahan Muqdisho iyo Ciidamadii ugu badnaa oo la socda

0
256

jowhar Somali News Leader
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Muqdisho.
Safarka Axmed Madoobe oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay ayaa jawaab u ah socdaalkii uu dhowaan ku tagay magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay, kaasoo ujeedkiisa ahaa soo afjarida mad madowgii iyo khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa todobaadyo ka hor ka sheegay Kismaayo inuu Muqdisho tagayo, una tagayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu xusay in la dhammeeyay khilaafkii labada dhinac.
Safarka Axmed Madoobe oo maanta ku imaanayo MUqdisho ayaa ka duwan safaradii hore, waxaa la sheegay inay la socdaan ciidamo fara badan oo sugaya ammaankiisa, kuwaasoo lagu qiyaasay labaatameeyo, waxaa maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho wafdi horu dhac ah oo ay ku jiraan saraakiil sirdoon, kuwaasoo socdaalkiisa u gogol xaarayay.
Waxaa la sheegayaa in loo diyaariyay guryo ku dhow Madaxtooyada, halkaasoo uu degi doono, halka markii hore uu degi jiray marka uu yimaado Muqdisho Xarunta Nabadsugida.
Axmed Madoobe ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Kusimaha Taliyaha NISA iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.
 
The post Axmed Madoobe oo saaka ku soo wajahan Muqdisho iyo Ciidamadii ugu badnaa oo la socda appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Axmed Madoobe oo saaka ku soo wajahan Muqdisho iyo Ciidamadii ugu badnaa oo la socda

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.