Axmed Madoobe oo Shaaciyay Balanqaad uu sameeyay Afar sano ka hor balse waxba laga qaban

0
63

Kismaayo (Caasimada Online)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shalay ka hadlay howlgalka ciidamada Jubbaland ku qaadayaan Jubbada Dhexe ayaa shaaciyay in Afar sano ka hor ay sameynayeen balanqaadka ah inay xoreyn doonaan gobolka Jubbada DHexe.Madaxweynaha ayaa shaaciyay in balanqaadyadii la sameeyay afar sano ka hor aysan wali waxba ka dhaqan gelin, isaga oo sheegay in doorkii dowladda Soomaaliya iyo caalamka uu meesha ka maqan yahay.Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo cusub oo la doonayo inay Al Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana shacabka Jubbaland ay isku tashadeen.Madaxweynaha Jubbaland ayaa yiri “Waxaa in badan ka sugeynay dowladda, AMISOM iyo Beesha Caalamka in dagaalkan aanu sii daba dheeraan, afar sano ayaa la lahaa Jubadda Dhexe ayaa la xoreynayaa, illaa iyo hadana waxay noqotay hadal la sheego oo aan sal iyo raad toona laheyn”.Axmed Madoobe ayaa sheegay in marka hore howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ay iyaga bilaabi doonaan islamarkaana kadib dowladda iyo AMISOM ay raaci doonaan, marka dadka deegaanka ay isku tashadaan, sida uu hadalka u dhigay.Waxaa muuqata in wali ay adag tahay in ciidamada Jubbaland la wareegaan deegaanada Jubbada Dhexe oo Al Shabaab ku xoogan yihiin, maadaama ay u baahan yihiin dhaqaalo dhaqaale, Mid hub iyo mid caafimaad.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: Axmed Madoobe oo Shaaciyay Balanqaad uu sameeyay Afar sano ka hor balse waxba laga qaban

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.