Axmed Madoobe oo taliyaha guutada 43-aad ee DF kasoo celiyey garoonka Kismaayo

0
182

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu garoonka diyaaradaha magaaladaas ka celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43-aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland.
Taliyaha garoonka laga celiyey oo lagu magacaabo Cali Bogmadow ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Guutada 43-aad, waxa uuna beddeli lahaa taliyihii xilkaasi laga qaaday ee Janaraal Ismaaciil Saxardiid.
Weli maamulka Jubbaland wax faahfaahin ah kama bixin sababta garoonka Kismaayo looga celiyey taliyaha, balse waxaa dhawaan jirtay in maamulka Jubbaland uu sheegay in dhibaato ay ku hayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan cabasho ka muujiyey in hub ay dowladda u dirtay ciidamada jooga Gedo ay u gacan geleen Al-Shabaab.
Axmed Madoobe ayaa la rumeysan yahay inuu ka cabsi qabo in ciidamada ku sugan Gedo oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ay ku xoogeystaan kadibna weerar kusoo qaadaan magaalada Kismaayo, oo ay dib uga qabsadaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Axmed Madoobe oo taliyaha guutada 43-aad ee DF kasoo celiyey garoonka Kismaayo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.