B/weyne Oo lagu Soo Rogayo Bandow Saddex Cisho Soconaya

0
358

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Bandow xilliga habeenkii ah kusoo rogay Magaalada B/weyne.
Bandowgan ayaa waxaa uu socon doonaa Muddo saddex Maalin ah iyada oo aan la ogolaan doonin in la socdo wixii ka dambeeya Cishaha.
Kulan amniga looga hadlayey oo ka dhacay magaaladaasi ayaa sidoo kale waxaa laga soo saaray ammaro ku aadan xoojinta amniga.
Qodobada kulankan ka soo baxay waxaa ka mid ah in Magaalada dhexdeeda aan lagu wadan Karin hub sharci darro ah iyada oo sidoo kale digniin adag loo diray dadka sida sharci darrada ah ku dhex wata hubka Magaalada dhexdheeda.
Ciidamada xoogga dalka, Booliiska iyo kuwa NISA ayaa lagu daadiyey guud ahaan xaafadaha B/weyne, kadib shaqaaqo shalay ka dhacday saldhigga Booliiska ee magaaladaasi.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhiggan kadib markii la sheegay in ay doonayeen iney lasoo baxeen askari Booliis ah oo maalin kahor magaaladaasi ku diley nin Bajaajle ah.
Weerarkaasi shalay dhacay waxaa ku geeriyootey Afar qof iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Goobjoog News




SOURCE: B/weyne Oo lagu Soo Rogayo Bandow Saddex Cisho Soconaya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.