Baadari Kenyan ah oo nin Al-Shabaab ah oo u yimid u gacan geliyey ciidamada

0
38

Mombasa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Kenya ayaa xabsiga dhigay nin galay Kaniisad ku taala magaalada Mombasa kadina sheegay inuu ka tirsanaa mitidiinta Al-Shabaab.
Eedeysanaha ayaa Kaniisadda tagay Jimcihii si uu u qirto inuu ku lug lahaa kooxda Al-Shabaab, waxayna maxkamad ku taala Kenya isla shalay amartay in xabsiga lagu sii hayo muddo 10 maalin inta laga baarayo.
Kadib markii Eedeysanaha uu shaaciyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, Baadariga Kaniisadd ayaa wacay Booliiska oo xiray eedeysanaha.
Xeer Ilaaliye Eric Masila, ayaa sheegay in eedeysanaha uu Kaniisadda u aaday si loogu duceeyo, isagoo intaas ku daray in eedeysanaha oo sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay Soomaaliya uu haayo macluumaad muhiim ah oo hay’adaha ammaanka ka caawin doona kahortagga weerarada Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay inay rabaan in eedeysanaha xabsiga lagu haayo 10 maalmood si loo baaro.
Garsooraha maxkamadda Ednah Nyaloti, ayaa Xeer Ilaalinta ku raacday isla markaana Booliiska u ogolaatay in eedeysanaha xabsiga ay ku hayaan 10 maalmood.
“Eedeysana waa in xabsiga uu kusii jiraa 10 maalmood oo lasugayo baaritaanada,” ayay tiri Ms Nyaloti.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in eedeysanaha uu la shaqeynayay laamaha ammaanka.
Nyaloti waxay sheegtay in tuhmanaha uu diyaar u yahay inuu bixiyo macluumaad gacan ka geysan doona soo qabashada xubno badan oo Al-shabaab ka soo laabtay, iyadoo hadalkeeda raacisay inay muhiim tahay in eedeysanaha aanan la aqoonsan.
“Waa muhiim inaan ilaalino aqoonsiga eedeysanaha. Wuxuu la shaqeynayaa saraakiisha ammaanka, wuxuuna diyaar u yahay inuu nasiiyo macluumaad muhiim ah oo ku saabsan howlgallada Al-Shabaab,” ayuu yiri Masila.
Wuxuu ka dhawaajiyay in Booliisku ay baarayaan xogta taleefanka eedeysanaha si loo helo xiriiro uu la sameeyay eedeysanayaal kale
“Waan baari doonaa xogta Sim Kaarada oo aan rumeysanahay ineey ku jiraan macluumaad horseedi kara in lasoo xiro eedeysanayaal badan,” ayuu yiri Xeer Ilaaliye Masila.
Eedeysanaha, oo si deggan u fadhiistay maxkamadda, ayaa sheegay inuusan wax diidmo ah u hayn xarigiisa.
Dacwadda kiiska eedeysanaha ayaa la dhageysan doonaa 23-ka bishaan January.




SOURCE: Baadari Kenyan ah oo nin Al-Shabaab ah oo u yimid u gacan geliyey ciidamada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.