Baahiyo Caafimaad Oo Ka Jira Degmada Waajid

0
331

Bulshada ku dhaqan degmada Waajid iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa ka cabanaya Caafimaad darro taasi oo keentay in xarumaha Caafimaad ee deegaanka ay yihiin kuwo aad u yar.
Degmada Waajid ee gobolka Baay ayaan laheyn Isbitaal guud iyo mid gaar loo leeyahay intaba, waxaana degmada ku yaalla oo kaliya xarumo yaryar oo “MCH”, kuwaasi oo aan dabooli Karin baahiyaha Caafimaad ee ay qabaan bulshada.
C/qaadir Maxamed oo ka mid ah dhaqaatiirta ku nool Waajid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in baahida Caafimaad ee xilligan ka jirta degmada ay tahay mid aad u weyn taasina ay sababtay in dadka qaar ay u dhintaan gargaar la’aan dhanka Caafimaadka ag.
C/qaadir ayaa ugu baaqay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, Maamulka Koofur Galbeed iyo hay’adaha Caafimaadka in ay wax ka qabtaan xaaladda Caafimaad ee Degmada taasi oo aad u liidata.
“Degmada waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay Caafimaad darro, Caafimaad la’aanta ka jirta degmada maalinba maalinta ka dambeysa waa ay ka sii dareysaa, degmada waxaa ku yaallay MCH iyaga intoodii badneyd waa ay xirmeen”.
Waajid ayaa horay waxaa u go’doomiyay Alshabaab taasi oo keentay in aan la geyn Karin wax gurmad ah waxaana gabi ahaan burbursan adeegyada aasaasiga ah ee Waajid oo ka mid yihiin Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Goobjoog News
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Baahiyo Caafimaad Oo Ka Jira Degmada Waajid

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.