Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qaraar ciidamada shisheeye ay uga baxayaan Ciraaq

0
119

Xildhibaanada Baarlamaanka Ciraq ayaa ansixiyay qaraar ku baaqaya in ciidamada
shisheeye ee ku sugan dalka Ciraq ay uga baxayaan dalka Ciraaq kadib markii
toddobaadkii la soo dhaafay duqeyn ay diyaaradaha duuliyaha lahayd ku dileen
general ka tirsanaa ciidamada Iiraan.

Rai’sul wasaaraha Cadil Cabdul Mahdi, ayaa khudbad uu ka
jeediyay baarlamaanka waxa uu ka sheegay in go’aankani uu yahay mid u wanaagsan
Ciraaq , iyada oo ay jirto dhibaatada gudaha iyo dibadda ee uu dalka wajahayo.

Baarlamaanka ayaa waxay sidoo kale ka codsadeen dowladda Ciraaq
inay mamnuucdo in sinaba ay xoogaga shisheeye u isticmaalaan dhulka, cirka iyo
biyaha Ciraaq.

Dalka Ciraq ayaa waxaa ku sugan ciidamo  Mareykan ah oo tiradoodu gaareyso 5,000 oo
askari kuwaasoo badankood ah la taliyaan dhinaca milatariga ah.

Rai’sul wasaare Caadil Cabdul Mahdi oo horgeeyay qaraarkan
baarlamaanka ayaa ku baaqay in la soo afjaro joogitaanka ciidamada shisheeye ee
dalka Ciraaq.

Dalka Ciraq ayaa haatan u muuqda inuu ku dhex jiro
xaalad adag kadib markii labo dal oo ay saaxibo yihiin Iran iyo Maraykanka ay
xiisad colaadeed ka dhex jirto.

Iran
ayaa ku dhowaaqday inay ka aargoosan doonto weerarka lagu qaarijiyay generalkii
awooda lahaa ee Qaasim Sulaymani.

Ciidamada Maraykanka ayaa dalka Ciraaq hore
ugaga baxay balse waxa ay dib ugu soo laabteen sanadkii 2014 xiligaa oo ay
dowlada Ciraq ka codsatay in laga caawiyo ururka IS oo qabsaday inta badan
gobolada dalka Ciraq.

+��




SOURCE: Baarlamaanka Ciraaq oo ansixiyay qaraar ciidamada shisheeye ay uga baxayaan Ciraaq

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.