Bajaajle loo dilay Shan kun oo Shilin Soomaali ah iyo sida ay ku dhacday

0
326

Buulo-Mareer (Caasimadda Online) – Maxamed Ibraahim Abuukar oo ahaa wade Mooto bajaaj ayaa xalay Askeri ka ritsan ciidanka Dowladda waxa uu ku  dilay  Degaanka Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose.Qoyska marxuum Maxamed oo ayaa sheegay in Askeriga uu wiilkooda ku dilay bar-koontorool oo ku taalla deegaanka Buulo-Mareer  uuna  u dilay Shan kun oo shilin Soomaali ah.Askerigii dilay Wiilkooda ayay sheegeen inuu ubaxsaday dhanka degaanka Shalaanbood ayna doonayaan in loosoo qabto, Cadaaladana la horgeeyo.dilalka loo geysto wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii danbe mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda.Markii hore dilalka Bajaajyada ayaa ku ekaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya balse waxaa hadda muuqato inay noqotay mid federal ah oo meel kasta lagu ugaarsanayo.Bajaajyada Muqdisho ayaa maalmo ka hor gadood sameeyey kadib markii laga dilay Darawal waxayna taas keentay in Bajaajleyda loo ogolaado inay isaga gudbaan Jidadka xiran ee Muqdisho kadib markii ay sheegeyn inaysan Canshuur bixin doonin haddii jidadka loo diido.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Bajaajle loo dilay Shan kun oo Shilin Soomaali ah iyo sida ay ku dhacday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.