BARCELONA OO HAL TALAABO U JIRTA SAXIIXA ANTOINE GAREIZMANN.

0
217

Warbixin ay baahisay idaacada ka faaloota arimaha ciyaaraha ee  Cadena Ser ayaa waxaa  lagu sheegay in Kooxda Barcelona ay si wayn ugu dhawdahay soo qaadashada xidiga reer Farance ee Antoine Gareizman.

Idaacada afka dheer ayaa waxaa warbixintan ay ku xustay in Barcelona Diyaar u tahay In ay bixiso aduun lacageed oo gaaraya ilaa 100 Milyan oo lagu bur burin karo heeshiiska uu xidiga kooxda kula joogo halka sidoo kale la sheegay in kooxda Atletico ku qanacday dhaqaalahaasi.

Barcelona waa ay si wayn ugu dadaalaysaa in saxiixa xidigan ay soo gaba gabayso ka hor inta xidigan uusan xulkiisa qaranka u raacin ka qayb galka Koobka Aduunka oo dhawaan Bilaaban doona.

Sido kale warar  ayaa tilmaamaya in Gareizman uu xili hore heshiis shaqsi ah la gaaray Kooxda taa oo Barcelona u sahli karta in aysan ku dhibtoon saxiixa Xidigani.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.