|

Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Antoine Griezmann

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ay u soo celisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Girezmann iskuna diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo adeegiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Xiddiga reer France ayaa iska diiday Barcelona xagaagii hore inkasta oo uu ogolodaay heshiis uu toodbaadkii ugu qaadanayo lacag dhan 260 kun oo Gini todobaadkii.
Antoine Girezmann ayaa heshiiskiisa lagu xidhay lacag dhan 200 oo milyan oo lagu bur-burin karo xagaagii hore laakiin waxa uu 1 bisha July hoos ugu dhici doonaa 129 milyan euro waana sababta ay kooxda Barcelona dib ugu soo celisay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga.
Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa si cad ugu sheegay dadka u dhaw in uu diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa uu haatan ka qaato Atletico Madrid oo dhan 7 milyan oo euro sanadkii sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo.
Laakiin saxaafada Spain ayaa sheegtay in ayna Barcelona doonayn saxiixa Griezmann kadib markii uu iska diiday xagaagii hore.
Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah haatan isugu diyaarinaysa in ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer France.
 




SOURCE: Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Antoine Griezmann

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application