Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray Shirkii hoggaamiyeyaasha Somalia, Itoobiya & Eritrea

0
37

Baxar Daar (Caasimadda Online) – Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bhar Dar ee dalka Itoobiya.Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Bayaanka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.Bayaan ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya.Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud.Qodobada shirkan ka soo baxay waxaa kaloo ka mid ah in labada dal ee kala ah Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan madaxbanaanida dhuleed,siyaasadeed iyo dadeed ee Soomaaliya.Sidoo kale dalalkaas ayaa bogaadiyay horumarka dhinaca amaanka iyo siyaasadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray Shirkii hoggaamiyeyaasha Somalia, Itoobiya & Eritrea

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.